Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo xalay ka badbaaday Qarax lagula eegtay degmada Hodan ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay dayacday ammaanka xildhibaanada ku jira dowladda.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya laga doonaayo in ay xil iska saarto ilaalinta Ammaanka xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado in la beegsado xildhibaanada.
Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha ayuu ugu baaqay in uu ka dhabeeyo balanqaadkii uu xildhibaanada u sameeyay markii uu Musharaxa ahaa.


