Wararka naga soo gaaraya deegaanka Beer-Xaano oo ku dhow magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose ayaa sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Kuwa AMISOM ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Beer- Xaano.
Saraakiil Ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Risaala u sheegay in uu bilowday howlgalka Al-Shabaab looga saaraayo deegaanada ay ka joogaan gobolka jubbada Hoose.
Qabashada deegaanka ka dib, saraakiisha hogaaminaysay hawl-galka, waxaa ay kullan la qaataan odayaasha dhaqanka iyo bulshada ku nool halkaasi.
Dhawaan madaxweynaha maamulka Jubbland ayaa sheegay in uu bilowday howlgalka Shabaab looga saaraayo gobolka Jubbada Hoose.


