Wasaaradda Amniga ayaa faah faahin ka bixisay howgal hub iyo dad lagu soo qabtay oo ciidamada Ammaanka ka sameeyeen magaalada muqdisho.
Afhayeenka Wasaarada amniga dowladda Soomaaliya Cabdikaamil Macalin Shukri ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ay howlgal ay ka fuliyeen degmada Warta Nabadda ayna kusoo qabteen hub iyo dad lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyhiin ururka Al-Shabaab.
Afhayeenka ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay 160 qof iyo sidoo kale 3 gaari ,ka dibna baaritaan lagu soo sameyay ciidanka amniga ay gacanta kusoo dhigeen rag lagu tuhmaayo Shabaabnimo.


