DHAGEYSO: Dowladda oo ka hadashay Fariisimo Shabaab ay ka sameysteen duleedka Guriceel

 Saraakiisha Militariag Dowladda Soomaaliya ayaa Faah Faahin ka Bixiyay Ciidamo ka tirsan  Al-Shabaab oo la sheegay in ay  Fariisin Ka Sameystay duleedka degmada  Guriceel ee gobolka  Galgaduud.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ee gobolka Galgaduud ayaa Idaacadda Risaala waxa ay usheegeen in ciidan lagu qiyaaso Kun Askari oo ka tirsan Shabaab oo wata Gaadiidka Dagaalka ay gaareen deegaanada iyo Warxole iyo Biyo-cade oo ka tirsan duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa ku waramaya in Dagaalyahanada Shabaab ay ka amba baxeen Ceeldheer iyo tuulooyin hoosyimaada gobolka Galgaduud, islamarkaana ay isugu tageen Warxole iyo Biyo-cade oo ka tirsan duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Cabdi Xasan  Biyo quute oo ka tirsan saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa faahfaahin ka bixiyay shabaabka la sheegay in ay fariisimo ka sameysteen duleedka degmada Guraceel ee gobolka Galgaduud.