DHAGEYSO: Dowladda oo ka digtay in Doonyaha iyo Maraakiibta ay isticmaalaan Badda

Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee dowladda Soomaaliya Nuur Faarax Xirsi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in laga bilaabo saakay ay Doonyaha iyo Maraakiibta kaga digayaan halista Badda, maadaama uu bilowday xilligii Bad xiranka.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in laguda galay Bad xiran sidaas darteedna Kalluumeysatada iyo Maraakiibta looga baahan yahay in ay ka taxadiraan dabeylaha Badda ku dhufan kara.

Kalluumeysato aad ufara badan ayaa ku tiirsan ka kalluumeysiga xeebaha Soomaaliya inkastoo xilligan oo kale laguda galo waqtiga Bad xiranka, taasoo Qatar ku keeni karta Doonyaha yar yar ee ka kalluumeysta Badda.

Sanadkii hore ayaa waxaa la xusuusta in Kalluumeysto lagu waayey Badda inkastoo markii dambe dib loo helay.