DHAGEYSO: Dowladda oo guul ka sheegatay dagaal ka dhacay Galgaduud

Saraakiisha Ciidanka dowladda Soomaaliya ee gobolka Galgaduud ayaa guulo muhiim ah ka sheegtay dagaal ka dhacay deegaanka Bud-bud ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaal u dhaxeeyay Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa xalay ka dhacay Deegaanka Bud-bud oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar ku soo qaadeen saldhig Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku lahaayeen Deegaanka  Bud-Bud oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Taliyaha Ciidanka Dowladda ee dhanka Ceel-buur Gen. Axmed Maxamed Maxamuud (Tareedisho) oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab dagaal ka dhacay deegaanka Bud-Bud.

Tareedisho ayaa sidoo kale sheegay in ay Al-Shabaab ka qabsadeen Qori hoobiye ah oo ay kusoo weerareen deegaanka Bud-Bud.

Waxaa sidoo kale xusay in ay dileen 8 askari oo ka tirsan Al-Shabaab.