DHAGEYSO: Dowladda oo ciidamo u diraysa Gaalkacyo

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso sidii loo joojin lahaa colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay aad uga xuntahay dirirta u dhexeysa dadka walaalaha ah ee wada daga deegaannada gobolka Mudug, waxa uuna ugu baaqay in si dhaqso ah loo joojiyo colaadahaas, maadaama ay dhalinayaan dhiilo colaadeed oo intaan ka badan.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegtay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku amran yihiin in  ay kala dhex galaan maamulada Puntland iyo Galmudug oo ciidankoodo isku horfadhiyaan Galbeedka Magaalada Gaalkacyo.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay wasiir Mareeye in ay ku dadaali doonto in Gaalkacyo geyso ciidamo kala dhex gala labada maamul.