DHAGEYSO: Al-Shabaab oo dad badan ku xiray deegaanka ka tirsan Gobolka Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel Cali ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Al-Shabaab ku dhawaad 50 qof ay ku xireen deegaanka Ceel Cali oo ay shalay kala wareegeen ciidanka dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa idaacadda Risaala u sheegay in Al-Shabaab ay 5 qof ay ku dileen deegaanka oo u badnaa Nabadoono.

Dadkii kunool deegaanka Ceel Cali  ayaa shalay magaalada iskaga cararay ka dib markii ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Itoobiya ay isaga baxeen deegaanka ceel Cali.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay si buuxda u maamulaayaan gacanta heynta deegaanka ceel Cali ee gobolka Hiiraan ka dib markii ay shalay   ay isaga baxeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Ciidanka Dowladda Itoobiya ee qeybta ka ah howgalka Midowga Afrika.

Deegaanka Ceelcali ayaa ah deegaan muhiim ah waxaana uu magaalada Baledweyne u jiraa 75 km dhanka Galbeed.

Gudoomiyaha Deegaanka Ceel Cali ee gobolka Hiiraan Abiikar Yaroow Cumar oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in Shabaab ay xirxireen dadkii la shaqeyn jiray maamulkii Shalay ka baxay deegaanka Ceel Cali.