DHAGEYSO: Dowladda oo badeshay qorshaha canshuurta Gaadiidka

Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti ayaa sheegay in Wasaarada Maaliyada ay bedeshay qorshihii lacagaha Canshuurta loogu qaadi jiray gaadiidka ka shaqeeya Gobolka Banaadir.

Waxa uu sheegay in laga gudbay in gaadiidleyda lagu dhibaateeyo Wadooyinka isla markaana meelo kala duwan loogu qaadi jiray.

Waxa uu sheegay in hada Arrimahaasi la xaliyay, Wasaaraduna ay sameysay Xarumo gaar ah oo gaadiidleeyda lacagaha Canshuurta loogu qaado oo aan loo istagin Wadooyinka.

Waxa uu sheegay in shirkad gaar ah ay ka caawineyso qaadista lacagaha Canshuurta ee gaadiidka Gobolka Banaadir.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Dowladda iyo Maamul goboleedyada Dalka loogu baahan yahay in ay si sax ah ugu adeegaan shacabka.