DHAGEYSO:- Dowlada Soomaaliya oo muuqaalo cusub kasoo saartay qaraxii Daallo

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay muuqaalo cusub oo faahfaahin ka bixinaya qaraxii ka dhacay diyaarada Daallo Airline February 2 kaasi oo sababay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca labo kale oo rakaabka diyaarada.

Muuqaalka oo ay duubeen kaamirooyinka qarsoon ee diyaarada Daallo Airline ayaa waxaa kasoo muuqday ruuxa isku qarxiyay diyaarada Daallo Airline, kaasi oo fariisinaya garabka midig ee diyaarada meel ku dhow.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in muuqaalka cusub ee la helay uu muujinayo in ruuxa isku qarxiyay diyaarada uu doonayay in garabka midig ee diyaarada qaraxa uu haleelo kadibna diyaarada oo idil ay qaraxdo.

Ruuxa watay Aalada Labtop-ka ee qaraxa lagu xiray ayaa waxaa uu ka dhutinayay “Jiisiyay” lugta bidix waxaana la sheegay inuu watay uu ku safrayay Passpor-ka dowlada Soomaaliya oo uu horey u dalbaday.

Baasaboorka ayaa wuxuu horey ugu dalbaday dhanka Internet-ka waxaana uu doonayay inuu raaco diyaarada, waxaana dowlada ay sheegtay iney wali baaritaano kale socdaan.