Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay kulankii Baarlamaanka ee shalay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in marka hore sugida amniga ay bilaabaan Madaxda Dowlada.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Madaxda Dowlada ay mar walbo u hogaansamaan amarada Hay’adaha amaanka ee Dowlada islamarkaana ay adeecaan amar walbo oo lagu sugayo amaanka Caasimada Muqdisho.
Wuxuu tilmaamay in haddii Madaxda aysan ka qeyb qaadan sugida amniga aan la sugi Karin amniga Dalka.
Dhanka kale Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dadka sida sharci darada ah loo xero iyo kuwa Xabsiyada isaga jira.
Waxa uu sheegay ineysan ogoleyn in la dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed islamarkaana lagu daahiyo xabsiyada iyagoo aan dambi lagu heyn.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Madaxda Dowlada laga donayo ineysan dambiilayaasha ku taageerin dambigooda iyo sidoo kale in aysan garab ku siin Amni darada Muqdisho.


