DHAGEYSO: Dowlada oo wax ka badaleyso xaqiijinta amaanka

Kadib markii kulamo kala duwan oo amaanka looga hadlayay maalmahaan ka dhacayeen magaalada Muqdisho ayaa waxaa lasoo saaray qorshooyin cusub oo amaanka lagu xaqiijinayo.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carta oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in la diyaariyay qorshe lagu xaqiijinayo amaanka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Maxamed Carta, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay diyaarisay qorshe kale oo looga hortagayo waxyaabaha qatarta ku ah amaanka caasimada.

Muhiimada koowaad ee dowlada ayuu ku sheegay iney tahay in wax laga badalo qaabkii hore ee loo xaqiijin jiray amaanka caasimada Soomaaliya, sida uu sheegay wasiir ku xigeenka dalka.

Wuxuu sidoo kale sheegay iney wax badan ka qaban doonaan xaaladaha amaanka ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan amaanka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.