Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladiisa ay xooga saari doonto dagaalka ka dhanka Al-shabaab oo dowlada dagaal kala soo horjeedo.
Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa sheegay in dadaalka ugu badan lagu bixin doono dagaalka ka dhanka Alshabaab, si amaanka dalka loo xaqiijjiyo.
Sidoo kale wuxuu sheegay in beesha caalamka ay u kaashan doonaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, si looga hortago Alshabaab.
Ugu dambeyn wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay iney la shaqeeyaan ciidamada dowlada Soomaaliya.


