DHAGEYSO: Dowlada oo Sheegtay iney qabatay sarkaal Al-shabaab ka tirsan

Hayada Sirdoonka iyo Nabad sugidda qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay iney gacanta ku dhigtay sarkaal sare oo katirsan Alshabaab oo ku sugnaa mid kamid ah hoteelada magaalada Muqdisho.

Saraakiil hayada ka tirsan ayaa shaaciyay in shaqsiga lasoo qabtay horey madaxiisa dhaqaalo badan loo dul dhigay, waxaana la qabtay kadib baaritaan ciidamada hayada ka sameeyeen magaalada Muqdisho.

Inkastoo dowlada Soomaaliya aysan sheegin magaca sarkaalka Al-shabaab ka tirsan ee lasoo qabtay ayaa haddana waxaa hayada nabad sugida Soomaaliya ay sheegtay in laga soo qabtay hotel lagu magacaabo GOLDEN oo Suuqa bakaaraha ku yaala.

Hayada ayaa sidoo kale sheegtay in dhawaan bulshada Soomaaliyeed loosoo bandhigi doono muuqaalka iyo magaca sarkaalka sida weyn lo doon doonayay ee ka tirsan Al-shabaab.