DHAGEYSO: Diyaaradaha dalka Kenya oo markale duqeeyay gobolka Gedo

Dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay in mudo ka badan 30 Cisho ah ay weerar duqeyn dhinaca hawada ah ay ka wado gobolka Gedo gaar ahaan deegaano hoos yimaada halkaas oo la tilmaamay in waxyeelo ay ka soo gaartay inta ay duqeyntu ay socotay.

Maamulka ugu magaacaban gobolka Gedo ee Jubaland ayaa sheegaya in diyaaradaha laga leeyahay dalka Kenya ay duqeyn ka geysanayaan halkaasi ayna waxyeelo.

Waxa ay sidoo kale sheegeen goobaha diyaaradaha dowladda  Kenya ay duqeeyeen in aysan ku sugneen ururka Al-shabaab sida uu sheegay afhayeenka maamulka gobolka Gedo Nuur Sayax Xareed.

Shalay ayay markii diyaarado laga leeyahay dalka Kenya ay duqeyn ka geysteen deegaano iyo degmooyin hoostaga gobolka Gedo.