Muqdisho-RisaalaFM- Warar ay heshay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku yimid Xubnaha Aqalka Sare oo lagu waday in lagu dhawaaqo maanta.
Guddiga Doorashooyinka Dadban wali kama hadlin arintaan , waxaana la sheegay in ay jiraan sababo badan oo keenay in ay dib u dhacdo Doorashada Xubnaha Aqalka Sare.
Sida uu qorshuhu ahaa waxaa lagu waday in lagu dhawaaqo Xubnaha Aqalka Sare 05-ta Bishan October ee sanadkan, waxaana la sheegay in taasi aysan suurtagal ahayn oo uu dib u dhac ku yimid soo xulista iyo sidoo kale Doorashada Xubnaha Aqalka Sare.
Caqabada ugu badan ayaa la sheegay in ay ka taagan yihiin dhanka dhaqaalaha iyo sidoo kale Xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya Gobolada Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe.


