DHAGEYSO: Dharkiinley iyo Afgooye oo ku tartamay Tartanka Degmooyinka Risaala

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maanta Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ku tartamay Degmada Dharkiinley oo ka socotay gobolka Banaadir iyo Afgooye oo ka socotay gobolka Shabeelaha Hoose.

Shirkadda Cabitaanada COCA COLA ayaa taaba galineysa tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala.

Degmooyinka Dharkiinley iyo Afgooye ayaa galabta waxa ay soo bandhigeen tartan aad uheersareeya, waxaana degmo kasta sida caadada aheyd la weydiiyay 6 su’aal.

Degmada Dharkiinley ayaa galabta waxa ay guul ka gaartay degmada Afgooye oo ka socotay Shabeelaha Hoose kadib markii 6 iyo 5 ay uga adkaatay.

Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar ayaa ugu dambeyn waxa uu ku dhawaaqay natiijada taranka udhaxeeyay degmooyinka Dharkiinley iyo Afgooye.

Maalinta beri ah oo Bisha Ramadaan ay noqon doonto 11 ayaa waxaa tartami doona Degmooyinka Wadajir iyo Howlwadaag.