Muqdisho-RisaalaFM- Barnaamijka Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala oo gaba gabadiisa ay ka harsan tahay 2 maalin oo qura ayaa waxaa galabta ku tartamay Wareegiisa Afar dhamaadka degmooyinka Waaberi iyo Dharkeynley oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.
Degmo kasta sida caadad aheyd waxa ay Gudigga Tartanka Aqooneedka Idaacadda Risaala ay weydiiyeen 6-dii su’aal ee degmo kasta ay xaqa ulaheyd.
Tartanka oo ahaa mid aad uxiiso badan degmo kastana ay dooneysay in ay guul gaarto ayaa waxa ay galabta usuurta gashay in ay adkaato oo kama dambeysta tartankana ay iska xaadiriso degmada Dharkeynley.
Tartanka sanadkan ay qabaneyso Idaacadda Risaala ayaa waxaa taaba galineysa Shirkadda Cabitaanada COCA COLA, iyadoo Maamulka Shirkadda COCA COLA iyo Maamulka ugu sareeya Idaacadda Risaala ay horey usheegeen in degmadii ku guuleysata tartankan abaalmarinteeda ay heli doonto ciida ka hor.
Guddiga Tartan Aqooneedka Idaacadda Risaala ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay natiijada tartankii galabta udhaxeeyay degmooyinka Waaberi iyo Dharkeynley.
Maalinta beri oo Bisha Ramadaan ay noqon doonto 27 ayaa waxaa sidoo kale Afar dhamaadka tartanka ku kulmi doona degmooyinka Wadajir iyo C/casiis, iyadoo degmadii adkaatana ay la tartami doonto degmada Dharkeynley oo maanta usoo gudubtay kama dambeysta tartankan.
Sida uu qorshahu yahay maalinta Axada ah ayaa la filayaa in guud ahaan la soo gaba gabeeyo Tartankan oo abaalmarinadii Tartankan loogu talagalayna la bixiyo, iyadoo maalinkaas degmooyinka tartami doona ay si toos ah xarunta Idaacadda Risaala u imaan doonaan.


