Muqdisho-RisaalaFM- Warar xog ogaal ah oo an heleyno ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay badigoobeysa musharax ay isugu geyso awoodeeda si uu ugu soo baxo doorashada bisha November ee sanadkan ka dhaceysa degaanada Koonfur Galbeed.
Dhawr musharax ayaa la filayaa in dowladda Soomaaliya ay taageero ka helaan, kuwaasi oo ku tartamaya xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, oo hada uu u hanqal taagayo inuu markale ku soo laabto Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Wariyaha Risaala, Maxamed Cabdi Cali ayaa inooga diyaariyay warkan.



