DHAGEYSO: Degaanada Hirshabeelle oo Al-Shabaab laga saaraayo

Madaxweyaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in ay qorshaynayaan in ay muddo kooban ay Al-Shabaab kaga saaran degaanada ay ka joogaan Hirshabeelle.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa AMISOM ay iska kaashan doonaan howlgallada lagu dagaalamaayo Al-Shabaab.

Waxaa uu xusay in aan Horumar la gaarinkarin  hadii aan Al-Shabaab laga saarin degaanada ay Joogaan.

Degaanada ay Al-Shabaab Joogaan ayuu sheegay in ciidamada dowladda ay ku wajahan yihiin.

Dadka kunool degaanada maamulka Hirshabeelle ayuu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada dowladda.