DHAGEYSO: Deeq lagu wareejiyay maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Maamulka Koofur Galbeed aya deeq raashiin ah ku wareejiyay Maamulka Gobolka Bakool.

Deeqdaan ayaa waxaa loogu tala galay in la gaarsiiyo dadka dhibaateysan ee abaartu ay saameynta ku yeelatay ee ku nool degaanada Gobolka Bakool.

15 gaari oo kuwa xamuulka qaada ah ayaa Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Maamulka Koofur Galbeed ku wareejiyeen Maamulka Gobolka Bakool.

Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Garomada ee Maamulka Koofur Galbeed C/llaahi Axmed Black ayaa ka warbixiyay deeqda ay ku wareejiyeen Maamulka Gobolka Bakool.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka jirto gobolka Bakool.

Degmooyinka Gobolka Bakool Waxaa ka jira abaaro saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada, sidoo kale waxaa jira wadooyin ay xereen Al-Shabaab kuwaasi oo aan dadka gurmad aan loo marin Karin.