DHAGEYSO:Xildhibaano ku baaqay in la joojiyo Colaada gobolka Galgaduud

Xildhibaanad Maryan Maxamed Xuseen oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqday in la joojiyo Xiisada Colaadeed ee ka soo cusboonaatay degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Xildhibaanada ayaa sheegtay in haatan aan loo baahneyn dagaalo iyo colaad ka dhex bilaabata beelaha walaalaha ah ee wada gobolka Galgaduud.

Waxa ay sheegtay in loo baahan yahay in gurmad la gaarsiiyo oo la Caawiyo dadka abaaruhu ay saameeyeen balse aan loo baahneyn in lagu kor dagaalamo.

Waxa ay beelaha dagaalaya ugu baaqday in ay nabada qaataan oo dagaalka ay joojiyaan isla markaana ay shacabka dhibaateysan u naxaan.

Dhawaan ayay ahayd Markii labo beelo ay ku dagaalameen degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, waxaana dagaaladaasi ka dhashay Khasaaro badan sida Maamulka Gobolka ay xaqiijiyeen.