DHAGEYSO: Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti oo tagaya Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga maamulka Somaliland Cali Jaamac Buureed ayaa warbaahinta u sheegay in Ra’iisul Wasaaraha dalka Jabuuti uu booqon doono degaano ka mid ah Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Cabdulqaadir Kaamil Maxamed uu tagi doono Magaalada Hargeysa iyo sidoo kale qeybo ka mid ah gobolka Sanaag.

Ujeedka Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in uusan aheyn mid siyaasadeysan laakiin uu yahay in uu booqdo dadka ay ehel yihiin oo kunool gobolka Sanaag.

Wasiir Buureed ayaa sidoo kale tilmaamay in sare loo qaadi doono xiriirka u dhaxeeya Somaliland iyo sidoo kale dowlada Jabuuti.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dowladda Jabuuti ayaa hadda ku sugan Magaalada Hargeysa.