Madaxweyne Farmaajo oo Safarkii 8-aad dalka kaga baxaya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu waddaa in uu ka qeyb galo Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo sidoo kale dowladda Mareykanka oo lagu qabanaayo Dalka Sucuudiga.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu ka qeyb galaya Shirka taariikhiga ah ee u dhaxeeya dalalka Islaamka iyo sidoo kale dowladda Mareykanka oo maanta ka furmaya Magaalada Riyaad.

Boqorka Sucuudiga ayaa Madaxweyne Farmaajo  horay ugu soo diray Warqad Casuumaad ah oo  ku aadan in uu shirkaasi ka qeyb galo.

Boqorka Sucuudiga ayaa sheegay in ay muhiim tahay in uu kasoo qeyb galo Madaxweynaha Soomaaliya Shirkaasi , maadaama Soomaaliya xilligaan ay u baahan tahay taageero.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay Safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Sacuudiga.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay safaro ugu tagay dalalka Urdun, Imaaraadka Carabta, Kenya, Sucuudiga , Turkiga , Itoobiya iyo UK.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa  dalka Sucuudi Carabiya  uga qaybgalaya shirka Mareykanka iyo Muslimiinta, waxaana uu la kulmi doono Madaxda Shirkaasi ka qeyb galeysa.