DHAGEYSO: Deeq lagu uruuriyay Snap chatka oo la gaarsiiyay dad Abaarta ay saameysay “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Ku dhowaad 100 Qoys oo ku sugan Degaanka Siinka-dheer ee Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa la gaarsiiyay Deeq Raashiin ah, kuwaas oo ay saameysay Abaarta.

Dadkan Deeqda la gaarsiiyay ayaa waxa ay ka kala yimideen Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada, waxaana ay isugu jiraan Caruur, Haween iyo Dad Da’ah.

Deeqdan ayaa waxaa lagu soo uruuriyay Barnaamij gaar ah oo lagu qabtay Barta, Snap chatka, kaasi oo ay soo qaban qaabiyeen C/qaadir Cali Siyaad (Booska) iyo Cawil C/laahi Xalane.

Sidoo kale Deeqdan loo qeybiyay dadka Abaarta ay saameysay ayaa waxa ay isugu jirtay Bur, Bariis iyo Saliid, oo la gaarsiiyay ku dhowaad 100 Qoys.

Dadkii Deeqdan la gaarsiiyay ayaa waxa ay u mahadceliyeen Dhalinyaradii Barnaamijkan soo qaban qaabisay ee waqtiga dheer ku bixiyay in ay walaalahooda u gar gaaraan.

Cawil C/laahi Xalane oo goobjoog ka ahaa goobtii lagu bixinayay Deeqdan ayaa sheegay Deeqdan in la soo gaarsiiyay Dadkii u baahnaa, isaga oo sidoo kale sheegay in ay soo socdaan gar gaaro kale, si dadka dhibaateysan loo badbaadiyo.

Macluul dhanka Abaaraha ah ayaa waxa ay ka jiraan dalka, iyada oo Akoonada qaar ay ku jiraan Lacago loogu tala galay dadka Abaarta ay saameysay, ayna haboon tahay in hada la soo bixiyo si dadka loogu badbaadiyo.

 

Deeq 1 Deeq 2 Deeq 3 Deeq 4 Deeq 5 Deeq 6 Deeq 7 Deeq 8 Deeq 9 Deeq 10 Deeq 11

Sawir Qaade:- Cali Xasan Cali