Afgooye-RisaalaFM– Guddiga Gurmadka Abaaraha Koonfur Galbeed ayaa Deeq raashiin ah waxa ay u qeybiyeen ku dhowaad Saddex Boqol oo Qoys, oo ku nool Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dadkan loo qeybiyay Deeqda ayaa waxa ay isugu jiraan dad ka soo barakacay Abaaraha ka jira Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo ahaa dad naafo ah.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Cali (Najax) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay u mahadcelinayaan Guddiga gar gaaka Abaaraha Maamulka Koonfur Galbeed oo shaqo wanaagsan qabtay.
Sidoo kale Ibraahim Cali (Najax) Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay xaalad adag in ay ku jiraan dadka Abaaraha ay ku saameeyeen koonfur Galbeed loona baahan yahay in wax laga qabto.
Ugu dambeyntii Qaar ka mid ah Dadka Degaanka ayaa waxa ay baaq u direen Dowladda Federaalka, Hay’adaha gar gaarka iyo Maamul Goboleedyada Hoose, waxayna ka codsadeen in gar gaar lala soo gaaro.



