DHAGEYSO: Dagaal u dhaxeeyay ciidmada Galmudug iyo Koox Burcad ah oo ka dhacay Godin-labe

Gelinkii dambe ee maanta ayaa waxa uu dagaal ka dhacay deegaanka Godin-labe ee ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyay Kooxo burcad ah iyo ciidamada maamulka Galmudug.

Ciidamada maamulka Galmudug gaar ahaan kuwa nabad sugidda ayaa la sheegay in ay Weerar ku qaadeen Koox Burcad ah oo Isbaaro u taalay sida la sheegay deegaanka Godin-labe ee ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa la sheegay in ay ku dhinteen 3 qof oo hal ka mid ah uu yahay dad shacab ah sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka oo aan la xiriirnay.

Sidoo kale dagaalka ayaa sababay dhaawac inkastoo aan ilaa hada la heyn tirada dhaawaca ah ee dagaalkaasi ka dhashay.

Saraakiisha Aamaanka ee Maamulka Galmudug wali kama hadlin dagaalka gelinkii dambe ee maanta ka dhacay deegaanka Godin-labe ee gobolka Galgaduud.