Sida uu sheegay agaasimaha laantaasi inta badan dadkaasi dhintay waxaa dilay ururka Al-shabaab 16-kii sano ee la soo dhaafay 6,200 oo qof ayaa weerarada kooxaha loogu yeeray argagixisada ay fuliyeen.
Weerarada kooxahaasi ayaa waxa ay sare u kaceen intii u dhaxeysay 2013-kii ilaa iyo 2014-kii.
Isbuucaan madaxa militariga Mareykanka ee AFRICOM la yiraahdo ayaa waxa uu sheegay in dagaalka ka dhanka ah ee Al-shabaab aan looga guuleysan u jeedooyinkii laga lahaa.
Wuxuu intaa raaciyay in ciidmada nabad ilaalinta ee AMISOM laga awood badiyay laakii Mareykanka ayaa isbuucaan Soomaaliya ka fuliyay 2 weerar kuwaas oo lala eegtay xarumo ay Al-shabaab ka leeyihiin koonfurta Soomaaliya.


