DHAGEYSO: Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Buur-hakaba

Buur-hakaba-RisaalaFM- Dagaal xoogan oo khasaare geystay ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Buur-eyle ee gobolka Baay.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyay ciidamada Koonfur Galbeed iyo ururkka Al-shabaab, waxaana dagaalka uu geystay khasaare soo kala gaaray Labadii dhinac ee halkaasi ku dagaalamay.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Koonfur Galbeed ay howlgallo ka wadeen maalmahandeegaano hoostaga degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay.

Gudoomiyaha degmada Buur-hakaba Maxamed Nuur Cabdi oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu ka hadlay dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay.

Dhinaca kale Gudoomiyaha degmada Buur-hakaba Maxamed Nuur Cabdi oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada si Al-shabaab looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin degmada Buur-hakaba.

Ciidamada Koonfur Galbeed oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa maalmahan waxa ay howlgallo ka wadaan gobolada Baay iyo Bakool, iyagoo mararka dagaalo kala kulma Al-shabaab.