Wararka inaga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig ay leeyihiin ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.
Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in ilaa iyo hada la maqlayo qaraxyo iyo rasaas culus oo ka socda gudaha xeradan Halgan, iyadoo qaraxa la sheegay in uu u bilowday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo saldhiga lagu qaaday.
Wariyaheen Yuusuf Cabdi Aadan oo ku sugan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaan arimahaasi goor dhow wax ka weydiinay.


