Mudug-RisaalaFM- Xilli Abaaro ba’an ay ka jiraan dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobolada ayaa waxaa sii kordhaya dadka u dhimanaya Abaaraha ka jira Gobolka Mudug.
Degaanka Dhinooda ee Gobolka Mudug ayaa saacadihii la soo dhaafay Abaarta darteed waxaa ugu geeriyooday Afar ruux oo Abaartu ay galaafatay.
Mid ka mid ah Dadka Degaanka Dhinooda ee Gobolka Mudug ayaa Radio Risaala u sheegay in dadkaasi ay isugu jiraan caruur iyo dad Da’ah, islamarkaana ay isugu darsameen xanuun iyo gaajo.
Qaar ka mid ah Dadka Degaanka ayaa waxa ay baaq u direen Dowladda Federaalka, Hay’adaha gar gaarka iyo Maamul Goboleedyada Hoose, waxayna ka codsadeen in gar gaar lala soo gaaro.
Warbixinta warkan waxaa Magaalada Gaalkacyo inooga soo diray Wariyaheena Maxamed Muxudiin Maxamed (Saxansaxo).



