Waxaa caawa uu Dab ka kacay Suuqa weyn ee Degmada Wadajir Ee Gobolka Banaadir,kaas oo illaa hadda ka soconaya Suuqaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Dabka uu Sababay Khasaaro Hantiyadeed oo aad u badan,waxaana ku Howlan damintiisa Gaadiidka dab damiska ah.
Wariye madax banaan oo lagu magacaabo Cumar AL-Bashiir Sh.Axmed isagu ku sugan goobta uu ka kacay dabka ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in hada uu gaba gabo marayo daminta dabka waxaana uu intaa ku daray in Dabka ay ku Gubteen Bakhaaro iyo Dukaano ku yaalla Suuqa Degmada Wadajir.
Sidoo kale Suuqa ayaa waxaa gaaray Ciidamada Ammaanka Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb qaadanaya Gurmadka lagu daminaayo dabka iyo ilaalinta Hantida Suuqa taala si aan loo Bililiqeysan.


