Wararka DHAGEYSO: Dab Khasaaro Geystay Oo Maanta Ka Kacay Kaam Kuyaalo muqdisho. February 11, 2019 Share Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Telegram Viber Dabkan Khasaaraha Hantiyadeed Geystay Ayaa Maanta Waxa Uu Kakacay Kaam Kuyaala Xaafadda Jaamacadaha ee Degmada Hodan Ee Gobalka Banaadir. Dabka Oo Sababay Burburka Guryo Badan Ayaa Waxa Uu Ka Dhashay Sida Ay Warbaahinta U Xaqiijiyeen Dadkii Lahaa Guryaha Basbeelay Korontada BECO Oo Kamid Ah Korontooyinka Ay Isticmaalaan Shacabka Gobolka Banadir. Inta La Xaqiijiyey Waxa Kugubtay Dabkaasi Todobo Guri Oo Ay Kunoolaayeen Dad Barakacayaal ah Kuwaas Oo Dhamaantood Basbeelay. Sidoo Kale Waxaa Kamid Ah Goobaha Uu Saameyey Dabkan Dugsi Qur’aan Ay Dhiganayeen Caruurta Barakacayaasha Ah Ee Kunool Kaamkaasi. Qaar Kamid Ah Dadka Uu Sameyey Dabka Oo Lahadlay Warbaahinta Ayaa Waxa Ay Kadal Badeen Maamulka Gobolka Banadir & Dowalda Federalka Somalia In Laga Caawiyo Dhisida Guryahooda Maadama Aysan Awoodin In Ay Iyagu Dhistaan. Mudooyinkii Dambe Gobolka banadir Waxa Kuso Badanayay Dabka Kakaca guryaha & Goobaha Ganacsi Shalay Oo Ay Ugu Dambeysayna Waxa Uu Deb Kakacay Guryo Kuyaalay Kaam Kuyaala Degmada Kaxda ee gobolka banadir. https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2019/02/Sequence-17_1.mp3 https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2019/02/Sequence-17_2.mp3