Madaxweynihii hore ee Puntland oo kulamo la qaatay wafdiga ra’iisul wasaaraha ee ku sugan magaalada Garowe iyo madaxweynaha Puntland ayaa ka warbixiyay shirarka ka dhacay magaalada Garowe.
C/raxmaan Faroole, ayaa sheegay in kulamada diirada lagu saaray nidaamka 4.5 oo lagu soo xulayo xildhibaanada aqalka hoose ee baarlamaanka ka hor bisha September ee sanadkan.
Wuxuu sheegay in mowqifka Puntland wali uusan waxba iska badalin, laakiin ra’iisul wasaaraha uu doonayo in Puntland taageerto go’aankii ay wada gaareen dowlada Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka.
Sidoo kale C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in maamulka Puntland marnaba uusan aqbali doonin nidaamka 4.5 oo uu ku tilmaamay mid kala qeybiyay ummada Soomaaliyeed.
Hadalkaan ayuu jeediyay kadib wareysi uu siiyay Radio Garowe.


