Sanaag-RisaalaFM- Wasiirka Wasaaradda amniga maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada maamulka Soomaaliland ay soo gaareen gobolka Sanaag oo ay keeneen sanduuqa isdiiwaan gelinta Doorashooyinka.
Waxa uu sheegay in Soomaaliland ay dadweynaha degan Puntland ay ugu baaqeyso in ay isdiiwaan gelyaan oo ay ka qeyb qaataan Doorashooyinka sandakan la filayo in ay ka dhacaan deegaanada Soomaaliland.
Wasiirka Wasaaradda amniga maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab in Puntland aysan udulqaadan doonin in lagu soo xad gudbo deegaano ay maamulaan, horeyna looga bartay in ay iska difaacday isku day la doonayay in deegaanadeeda lagu soo xad gudbo.
Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa waxaa maanta lagu arkayaa deegaano ku dhow dhow gobolada Sool iyo Sanaag, iyadoo Puntland ay sheegtay in ay heegan buuxa gelisay ciidamadeeda.
Puntland iyo Soomaaliland ayaa waxaa udhaxeeyay isqab qabsi la xiriira gobolada Sool iyo Sanaag oo dhinac kasta uu sheeganayo in uu ka tirsan yahay maamulkiisa, iyadoo dhowr jeer oo hore halkaasi uu dagaal ku dhexmaray Puntland iyo Soomaaliland.


