DHAGEYSO: Ciidanka Itoobiya oo ka baxaya degmo ka mid ah gobolka Bakool

Ciidamada dowladda Itoobiya ee ku sugan degmada Tayeeglow ee gobolka Bakool ayaa maamulka Koonfur Galbeed , waxa ay ku wargeliyeen in ay iskaga baxayaan degmadaasi maalmaha soo socda.

Saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay wadaan dadaal lagu doonaayo in ciidamo dheeraad ah lagu geeyo degmada Tayeeglow ka hor inta aysan ka bixin ciidanka dowladda Itoobiya.

Cabdi Aadan oo ah taliyaha ciidanka Booliska maamulka Koonfur Galbeed ee degmada Tayeeglow oo la hadlay xafiiska idaacadda Risaala ee Baydhabo  ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in ay Al-Shabaab  soo galaan degmada Tayeeglow.

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale ciidanka booliska maamulka Koonfur Galbeed ayuu sheegay taliyuhu in ay difaacayaan degmada Tayeeglow hadii ay kabaxaan ciidanka dowladda itoobiya.