DHAGEYSO: Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir baaq u diray shacabka

 

Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Banaadir Kornel Bishaar Abshir Geedi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan ciidanka Booliska gobolka Banaadir.

Taliyaha ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho dhawaan ay ka dhaci doonto doorashada Madaxtinimada Soomaaliya , islamarkaana ciidanka Booliska ay si weyn u adkeeyeen doonaan ammaanka gobolka Banaadir iyo sidoo kale goobaha ay ka dhacaayaan doorashooyinka.

Bishaar Abshir Geedi ayaa sheegay in Qaar ka mid ah wadooyinka la xiri doono waqtiga Doorashada.

Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa wadda dadaal xoogan oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.