Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Camaara ee gobolk Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in ciidanka Nabad suggida maamulka Galmudug ay xoog kusoo furteen haweenay u dhalatay dalka Kenya oo gacanta ugu jirtay kooxaha burcadbadeeda Soomaalida.
Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan deegaanka Camaara ayaa Risaala u sheegay in ciidanka ammaanka ay haweenayda ay kusoo furtay howgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen deegaankaasi.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in aysan jirin wax dagaal ah oo dhexmaray ciidanka ammaanka iyo sidoo kale kooxaha burcadbadeeda Soomaalida.
Howgalka ayaa waxa uu dhacay xalay sida ay Risaala u sheegeen madax ka tirsan maamulka deegaanka camaara ee gobolka Mudug.
Haweenaydaan ayaa la sheegaya in kooxaha burcadbadeeda ay muddo ku haysteen gobolka Mudug.
Dhawaan Kooxaha Burcad badeeda ayaa Madax furasho ka qaatay ku dhawaad 29 qof oo badankood u dhashay Qaarada Asia.


