Wararka naga soo gaaraya deegaanka Goof Gaduud ee gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay la wareegeen deegaanka Goof Gaduud ee gobolka Baay.
Dagaal culus oo xalay ka dhacay deegaanka Goof Gaduud ayaa la sheegaya in ay keentay in ay ka baxan ciidanka dowladda Soomaaliya , islamarkaana ay la wareegaan Al-Shabaab.
Deegaanka Goof Gaduud ayaa ku dhow Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay , waxaana uu u jiraa magaaladaasi 30 Km.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay deegaanka Goof Gaduud ay kula wareegeen dagaal.
Todobaadkii hore ayaa Al-Shabaab waxa ay la wareegeen degmada Tayeeglow ee gobolka Bakool, ka dib markii ay ka baxeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Itoobiya.


