Real Madrid ayaa bilawday xiisaha tababarayaasha, waxaase la aaminsan yahay in Tottenham macalinkeda Mauricio Pochettino uu ku jiro musharaxiinta ugu sareya ee ay doonayaan kooxda Cad Cadka, sida ay werinayso majalada Mirror.
Los Blancos madax waynaheeda Florentino Perez ayaa durba raadinaya badalka Zinedine Zidane, kaas oo kooxda ku hogaamiyay in ay ku guuleeysto Champions League isagoo hayay wax ka yar Lix bilood.
Pochettino ayaa la fahansan yahay in uu yahay dooqa koowaad ee kooxda ka dhisan Bernabeu, madaama macalinki hore ee Espanyol uu aad u garanayo nolosha La Liga.
Si kastaba ha ahaatee madaxwaynaha Spurs Daniel Levy ayaa dhankiisa ogaaday in ninka u dhashay Argentina laga xiiseeynayo Madrid, xilli uu horaantii xagaagan saxiixay heshiis uu shan sano ku joogayo Wuqoyiga London.