Muqdisho-RisaalaFM- Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in la sameeyay ciidamo ugaar ah ilaalinta xarunta Baarlamaanka ee Golaha Shacabka.
Taliyaha sheegay in ciidanka ilaaliya Xildhibaanada iyo kuwa ilaalinaya Xarunta Baarlamaanka la mideeyay sidoo kalena laga wada maamulo Hal xarun.
Taliyaha ayaa ciidankaasi wuxuu ku amaanay sida ay u sugaan amaanka xildhibaanada iyo sidoo kale amaanka xarunta Golaha Shacabka Soomaaliyeed.
Hadalka Taliyaha ayaa ku soo aadaya xiili Baarlamaanka Soomaaliya ay xarunta Golaha Shacabka Soomaaliyeed ku yeelanayaan kulankoodii ugu horeeyay kadib fasax dheer oo ay galeen.


