Wasiirka Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaarinayso ciidamo gaar ah ,kuwaa soo lagu wareejinaayo guud ahaan Amniga Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Amniga ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidamada loo diyaarinaayo Amniga Muqdisho aysan ka mid aheyn Ciidamada NISA iyo Booliska.
Dadaaladii ugu dambeeyay lagu sameynaayo Ciidamadaasi ayaa socda sida ay sheegayaan Madaxda dowladda.
Ciidamada ayaa isugu jira Boolis iyo Nabad Suggid , waxaana hal talis ay ku yeelan doonaan Magaalada Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa hadda Amniga Magaalada Muqdisho u xilsaartay Ciidamo lagu magacaabo xasilinta Caasimadda.



