Iyadoo maalintii shalay qarax uu ka dhacay gudaha degmada Afgooye ayaa ciidamo ka tirsan kuwa laamaha amaanka waxaa laga dareemayaa howlgallo ay ka wadaan gudaha degmada Shabeelaha Hoose gaar ahaan degmada Afgooye.
Waxaana howlgalka uu ka socdaa xaafado ka mid ah degmada Afgooye iyadoo xaafadahaas ay ka mid tahay xaafada Dhagaxtuur oo shalay qaraxa uu ka dhacay.
Ciidmada dowladda iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa halkaasi ka sameeyay howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.
Waxaana ilaa iyo haatan aan jirin dad loo soo qab qabtay howlgalkan laakiin lagu raad joogo falkii shalay ka dhacay degmada Afgooye ee amaan darada ahaa.


