Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa saakay Isgoyska Sanca ee Magalada Muqdisho waxa ay ku xayireen Gaari nooca soomaalida u taqaano Caasi ama HOMEY, kaas oo Hilib ka keenay Kawaan Bari degmada Kaaraan ee Xoolaha lagu qalo kuna wajahnaa Kawaanka Hilibka degmada Xamarweyne.
Ganacsatada leh Hilibka ayaa waxaa ay sheegeen in uu wado Gaariga in ka badan 9 neef oo Geel ah,isla markaana subax kasta ay geeyaan Kawaanka degmada Xamarweyne, hayeeshee saakay lagu xayiray Isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan.
Mid ka mid ah Ganacsatada leh hilibka saaran Gaariga oo la soo xiriiray Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho ayaa sheegay in Gaariga uu hilibka u saaran yahay amarka lagu xanibay uu bixiyey taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan.
Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in mudo Saacado badan uu Gaariga Hilibka sida yaallo Isgoyska Sanca,isla markaana Hilibka uu noqday mid qurmay oo aan la isticmaali karin waa sida uu hadalka u dhigay.
Tallaabadaan ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli Ciidamada dowladda Soomaaliya ay xireen wadooyin badan oo ku yaalla Muqdisho,isla markaana kuwo qaarkood ay ku jareen dhagxaan waaweyn oo aan la mari karin.



