Ciidamada ammaanka ee Magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland ayaa waxa u suurta gashay in ay gacanta kusoo dhigaan Miino la dhigay xaafad kamid ah xaafadaha Magaaladaasi.
Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys (Dhedo) oo shir Jaraa’id ku qabtay Boosaaso ayaa sheegay in qaraxa xalay la dhigay Soonaha Baxayo ee Magalada Boosaaso, halkaas oo Ciidamada Puntland ay fariisin ka dhigtaan xilliyada qaar dad Shacab ahna ay ku badan yihiin.
Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in Ciidamada Ammaanka ay ku guuleysteen inay fur fureen Miinada iyo qalab kale oo loogu talo galay in wax lagu qarxiyo sida uu hadalka u dhigay.


