DHAGEYSO: Cali Seeko oo baaq u diray dowladda Soomaaliya

Siyaasiga Cali Maxamuud Faarax Cali Seeko oo horay u soo noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Risaala ee muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay waxa sababta u ah Al-shabaabkii ka soo baxsaday deegaanada Puntland in ay weerar ku qaadaan maamulka Galmudug.

Cali Seeko ayaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ka dalbaday in ay gacan buuxdo ka siiso Galmudug dagaalka ay kula jirto ururka Al-shabaab.