DHAGEYSO: C/wali Sheekh ”majiro heshiis aan gaarnay dowladda Kenya”

Ra’iisall wasaarihii  hore ee Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa beeniyey warar sheegayey in beesha uu ka soo jeeda iyo dowladda Kenya ay hishiis gaareen.

Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa sheegay in uu warkaas been abuur yahay ,islamarkaana isaga iyo Ra’iisal wasaariihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ay ka qeyb galeen shirka ay soo qaban qaabiyeen waxgaradka gobolka Gedo.

Waxaa uu sheegay in shirka lagu casuumay wasiirka arimaha gudaha dalka Kenya si loo dhameeyo khilaaf u dhaxeeya dowladda Kenya iyo beelaha  daga gobolka Gedo.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa warbaahinta qaar waxay tabiyeen in beesha Cabdiwali uu ka soo jeedo iyo dowladda Kenya ay gaareen hishiis.