DHAGEYSO: Cabdicasiis oo ugudubtay kama dambeysta Tartanka Degmooyinka

Muqdisho-RisaalaFM- Barnaamijka Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala oo gaba gabadiisa ay ka harsan tahay 1 maalin oo qura ayaa waxaa galabta ku tartamay Wareegiisa Afar dhamaadka degmooyinka Cabdicasiis iyo Wadajir oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.

Degmo kasta sida caadad aheyd waxa ay Gudigga Tartanka Aqooneedka Idaacadda Risaala ay weydiiyeen 6-dii su’aal ee degmo kasta ay xaqa ulaheyd.

Tartanka oo ahaa mid aad uxiiso badan degmo kastana ay dooneysay in ay guul gaarto ayaa waxa ay galabta usuurta gashay in ay adkaato oo kama dambeysta tartankana ay iska xaadiriso degmada  Cabdicasiis.

Tartanka sanadkan ay qabaneyso Idaacadda Risaala ayaa waxaa taaba galineysa Shirkadda Cabitaanada COCA COLA, iyadoo Maamulka Shirkadda COCA COLA iyo Maamulka ugu sareeya Idaacadda Risaala ay horey usheegeen in degmadii ku guuleysata tartankan abaalmarinteeda ay heli doonto ciida ka hor.

Guddiga Tartan Aqooneedka Idaacadda Risaala ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay natiijada tartankii galabta udhaxeeyay degmooyinka Cabdicasiis iyo Wadajir.