Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay heshay Macluumaad ku saabsan in Ururka Al-Shabaab ay weeraro ka geysan rabaan garoomo diyaaradeed oo ku yaalla magaalooyinka dalka Kenya.
Macluumaadkaan waxaa helay Sirdoonka dalka Kenya, waxaana loo gudbiyay Hay’addaha qaabilsan ammaanka garoomada dalka Kenya, si ay uga feejignaadaan weerarada.
Eric Kiraithe, oo ah madaxa amaanka ee Hay’adda Ilaalisa garoomada diyaaradaha dalka Kenya, ayaa Warbaahinta u sheegay in la soo gaarsiiyay digniinta ku aadan weerarada Shabaabka ay qorsheynayaan.
Wuxuu sheegay 11 ruux oo ka tirsan Shabaab inay doonayaan bilowga Bisha March ee berito bilaabanaysa inay weeraro qorsheysan ka fuliyaan Garoomada Diyaaradaha Kenya.
Weerrada ayuu sheegay in ay yihiin 5 howlgal oo lala damacsan yahay garoomada Joma Kenyatta iyo Wilson,halka kuwo kale uu ku sheegay in ay ku wajahan yihiin garooomada ku yaalla xeebaha Kenya sida garoonka Moi Intarnational.
Joseph Boinnet, Taliyaha ciidamada Booliska Kenya, ayaa tilmaamay inay si dhab ah u qaadanayaan Xogta Sirdoonka soo gudbiyay, islamarkaana feejignaan adag la gelin doono ciidamada Booliska.
Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro horay uga geystay gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi, magaalada Nairobi iyo gobolka xeebta ee dalka Kenya.


