Banaanbax ay dhigayeen dadweyne fara badan oo laga kala keenay degmooyinka gobolka banaadir ayaa maanta waxaa uu ka dhacay caasimadda muqdisho.
Banaanbaxa ayaa waxaa soo abaabulay qaar ka mid ah maamulada degmooyinka gobolka banaadir waxaana dadka dhigayay banaanbaxa ay dalbanayeen in la cadeeyo maqaamka uu leeyahay gobolka banaadir.
Inta uu socday banaanbaxa ayaa waxaa ka dhex muuqday qaar ka mid gudoomiyaahs gobolka banaadir kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanayay.
Dadweynaha ayaa ka qeyb qaadanayey ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen erayo ay kima ahaayeen kaalinta awood qeybsiga gobolka banaadir uu ku leeyahay doorashada sanadaan dhaceysa.
Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxa ay socod dheer ku mareen wadada hareer marta madaxtooyada Villa Soomaaliya iyagoo kusii jeeday halka uu banaanbaxa sida rasmiga ah uu uga dhacayay ee Daljirka Daahsoon.
Banaanbaxa maanta ay dhigeen dadka reer muqdisho ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli hada ay soconeyso dhismaha labada gobol maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.


